Axmed Madoobe oo Shaaciyey Ajaanibtii ku dhimatay weerarkii Kismaayo

madoobe

Hogaamiyaha Jubbaland Mudane Axmed Madoibe oo Saxaafada la hadlay ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku waxyeeloobay Qaraxii iyo weerarkii Argagixisadu ku qaaday Hotelka Madiina isagoona ka warbixiyay sida ay wax u dheceen.

Axmed madoobe ayaa sheegay in 26 qof ay ku dhinteen weerarka halka 56 kalana ay ku dhaawacmeen isagoo sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan qaar haystay jinsiyadaha dalalka

Kenyan 3 qof.
Canadian 1 qof.
British 1 qof.
American 2 qof.
Tanzanian 3 qof.

Axmed madoobe waxaa kale oo uu sheegay in labo qof oo u dhalatay wadanka shiinaha ay kamid yihiin dadka dhaawacmay kuwaas oo hada xaaladoodu aad u wanaagsan tahay.

Hogaamiyaha Jubbaland Mudane Axmed Madoobe ayaa sheegay in raga weerarka soo qaaday ay ahayeen afar qof kuwaas oo mid kamid ah uu Hotelka isku qarxiyay mid kalana isaga oo nool ay ciidamada amaanku ay gacanta ku dhigeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.