Shabaab isu soo dhiibay Ciidamada Xooga dalka

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa degaanka Baar-sanguuni ee Gobolka Jubbada hoose waxa ay ku soo Bandhigeen horjooge Xuseen Xasan Cambeer oo horay ugu tirsanaa nabadiidka Al-shabaab.

Sidoo kale horjoogahan isa soo dhiibay ayaa Argagaixisada u qaabbilsanaa abaabulka waxa ay nabad diidku ugu yeeraan kooxda jugta culus.

Abaanduulaha guutadda 11-aad Qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Ismaciil Sheekh Isxaaq  ayaa Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in Ninkani uu ahaa horjooge sare oo Al-Shabaab ah, isla Markaana ka dagaalami jiray Gobolka Shabeellada hoose.

Korneyl; Ismaaciil sheekh Isxaaq, ayaa sheegay in isa soo dhiibista horjooge Xuseen Xasan Cambeer, ay timid markii uu dagaal la galay Kooxo kale oo daacad u ahaa Nabad-diidka, taas oo u suurto gelisay in uu si nabad ah isu soo dhiibo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.