Sawiro:Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Bulshada Ku Nool Magaalada Gaalkacyo

-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada kula kulmay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Kulanka oo ay ka qayb galeen odayaasha dhaqanka, haweenka iyo dhalliyarda Gaalkacyo ayaa waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka iyo aqalka sare, wasiir ku-xigeenka wasaaradda xannaanada xoolaha, saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka mahad celiyay soo dhaweyntii diirraneyd ee magaalada loogu sameeyay isaga iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa reer Gaalkacyo kala hadlay qaadashada dowrkooda ku aaddan dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hey’adaha dowladeed ee Galmudug si looga shaqeeyo horumarka bulshada iyo soo celinta sharafta iyo karaamadda ummadda Soomaaliyeed guud ahaan.

Kulanka ayaa kamid ah kulamada wadatashiga ah ee bulshada Galmudug uu Ra’iisul wasaaruhu kala yeelanayay taabba gelinta Galmudug dhammaystiran loo dhanyahay, wada shaqeyn buuxdana la leh dowladda federaalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.