Sawiro:Degmada Balanbale oo lagu soo gabagabeeyey Diiwaan galinta Ciidamada

Xafiiska Habraaca Diiwaan Galinta Ciidamada Qalabka sida Ayaa soo gabagabeeyay Shaqo ka socotay Degmada Balamballe ee Gobolka Galgaduud oo Laga Qorayo Ciidamo cusub oo Isugu Jira Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliyeed waxaana Goobta Howshu ka Socotay ilaa iyo xalay Ku Sugan Dhalinyaro Badan oo isu jiray rag iyo dumar oo Doonayay in ay Qortaan Qaybaha kala duwan ee Ciidanka Faderaalka .

Dowlada Soomaaliyeed ayaa dhawaan ka Daah furtay Qorshe lagu Qarameynayo Cid Kastoo Hub Heysata ama Diyaar u ah in ay U Adeegto Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed iyadoo Horay loo Diiwaan Galiyey Cutubyadii Ahlusunna ee Dhuusamareeb.

Xaafiiska Habraaca diiwaan galinta ee Dawladda Faderaalka ayaa sidoo kale Degmada Balanballe ka diiwaan galiyay Gaadiid dagaal oo loogu tabarucay Dawladda.

Xeraale iyo Caabudwaaq ayaa loo dhaqaaqayaa hadda si looga sii wado hawsha Xaafiiska Diiwaan Galinta Ciidamada Doonaya in ay Qortaan Ciidanka Qalabka sida Taa oo Horseed u noqon doonta in la Xoreeyo Dalka oo dhan.

Nabad Iyo Nolol
Naftaada Nabadda Bar
Sawir Qaade Bulshaawi Jeyte

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.