Daawo:Dacwad Laga Gudbiyey talefishinka NTV kaas oo Beesha mareexaan ku sheegay Shabaab

Mid kamid ah dadka u ololeeya isdhexgalka bulshooyinka Kenya oo ka soo jeeda deegaanka Wajeer ayaa dacwad ka gudbiyay telefishinka NTV, kaasoo uu ku eedeeyay inuu colaad ka dhex hurinayo beelo Soomaaliyeed oo dega Waqooyi Bari Kenya.

Cabdinuur Maxamed ayaa sheegay inuu aad u dhibsaday warbixin maalmo ka hor uu baahiyay NTV kaasoo lagu tilmaamay in beel ka mid ah beelaha Soomaalida ay samaysatay maleeshiyo weerar ka fulisa gobolkaasi, isla markaana iska dhigta Al-Shabab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.