Wasiir Goodax iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Baladweyn

Wafdigan uu hoggaaminayo wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Taclinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan,halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Xubnaha uu hogaaminayo mudane Cabdullaahi goodax Barre waxaa kamid ah xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana soo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha bulshada.

Ujeedka socdaalka wafdigan maanta gaaray magaalada Baladweyn ayaa ah sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xalinta xiisada ka taagan magaalada Baladweyn.

Inta ay joogaan waxaa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeele,kan gobolka iyo degmada oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha bulshada,iyagoo u kuurgalaya xaalada halkaasi kajirata.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.