Soomaaliya oo sheegtay inaysan xiligaan horfariisanayn taliska Muuse Biixi

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheegtay in aysan xilligan ka qeyb galayn shir la filayo in uu ka dhaco Magaalada Nairobi, kaas oo lala geli lahaa maamulka Soomaaliland.

Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya, Dr; Nuur Diiriye Fursade, ayaa Boggiisa Twitter-ka ku sheegay in ay Soomaaliya ay diyaar u tahay in wada hadallo Miro dhal ah lala yeesho Soomaaliland, marka goobta, Ajendaha iyo ka qeyb galayaashuba lagu heshiiyo.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya kama qeyb galayso shirka la sheegay inuu Nairobi ka dhacayo, balse waxay xaqiijinaysaa in ay diyaar u tahay wada hadallo Mira dhal ah in lala furo Somaliland, marka goobta, ajandaha iyo ka qeyb galayaasho lagu heshiiyo,”ayuu yiri agaasimuhu.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.