Kooxda Qabyo ma qalalaaso u joog iyo Yaa qaranka wax udhimi kara bay shaqo ka dhigteen??

Su,aashaan wax badan bay madaxayga ku soo noqnoqotay ugu danbeyna waxay noqotay lagamamaarmaan in aan bulshada la wadaago,una iftiimiyo in kooxdaan duulaan ku tahay karaamada,sharafta iyo jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed sida ay anniga iigu muuqatay,sababaha hoose awgood;-

1-waa koox la soo tijaabiyey oo afar sano Soomaaliya hoggaanka u haysay waxa kaliya oo aan ku xasuusan karnaa ay tahay musuqmaasuq aanaan weligeed la arag oo la maqal, afartaas sano dalka ka geysteen,

waayo musuqa aan soo marnay wuxuu ku ekaa qaraabo kiil shaqada dawlada iyo lacago la leexsado, marna nama soo marin intaan garanaayo aniga oo ah oday waayo badan soo joogay ilaa xukuumadii Aden Cabdulle Cismaan AHN in hantida ma guurtada ah ee dalka sida wershadihii la dumiyey dhulkoodii, garoomadii ciyaaraha, jardiinooyinkii ama goobihii nasashada, barxadihii baabuurta laga raaci jirey, fagaarihii dabaaldega maalinta qaranka iyo ugu denbayn in laysku qabsaday baarlamaankii hore ee qaranka oo la kala faasaxanaayo, baarlamaankii markaas jireyna soo farageliyey sidaas awgeedna meeshaas sidaas ku badbaadiyey.

2-waxaan ayyana wada og nahay in xili xiloodkoodii ilaa hadda ay gacan saar leeyihiin cid kasta oo dalkaan cadaw u ahayd ama hadda u ah sida:-

-Taliskii tegreeda oo dalkayaga u sameeyey Todoba calan oo mid kayagii aan isku raacsanayn laga feersameeyey lix kale oo wada qabiil, todoba madaxweyne,t odoba baarlamaan ,todoba gole wasiiro, todoba dastuur, todoba sharcidejin iyo todoba ciidan oo aan kala amarqaadan, dhammaan intaas oo dhan waxay dhaqangaleen mudadii kooxda qabyo.

-Emaaraadka iyo ayyaga waxa ka dhexeeya waan ognahay oo qaar kooxda ka mid ah ay fariisin siisay xilalna u magacawday uga wakiila Soomaliya sida gudoomiye iyo ku xigeen in lawada og yahay baan u malayn in aan magacooda halka kuqoro looma baahana.

-Waxay shaqo ka dhigteen curyaaminta shaqada horumarinta ee dawlada sida dacaayado beena, qalalaaso abuirid, iskahorkeenida shacbiga iyo xukuumada, bal ila eega inta ay carqalad, beenabuur iyo dhibaatayn ay la daba socdaan xukuumada dadaalka ugu jirta deyn cafinta Soomaliya.

-Arimaha shidaalka Soomaliya hawsha laga wado ee soo bandhigida iyo shirkado wax noo soo saara raadintooda inta ay warbeena ka fidinayaan bal ila milicsada.

-Arinta muranka bada Soomaaliya ee Keenya sheegatay inta xukuumada Soomaliya oo aan mowqifkeeda wada ognahay ay ka beensheegaan oo weliba Keenya aan ku tuhunsanahay in ay gacan siiyaan, taasna ay sabab u tahay shirarka ay kooxda qabyo iyo maamul goboleeyada ugu ogolaatay in ay shirar ku qabsan karaan oo imaan karaan dalkeeda ayyada oo mas,uuliinta dawlada ka mamnuucday bal isweydiiya, ayyada oo ay u denbeysay kii dhawaan fashilmay ee qabyo iyo maamulgoleeyada.

-Ka shaqeynta kala fogeynta dawlada dhexe iyo maamul goboleedyada ayyaga oo mar kasta ku dadaala in ay ku xiraan oo ay la shaqeeyan cadawga dalka sida Tegreedii taslikoodo dhacay, Eamaaradka iyo xaalada hadda na dhextaala Dawlada Keenya.

Isku soo wada duub arinta qabyo waxay iigu muuqataa (BAROORTU ORGIGA KA WEYN),qaylada,dacaayadaha ,har iyo habayn hurdada u diidey nacfi shisheeye laga helaayo in ay siisteen danaha dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxayna ila tahay in lagu baraarugo oo aan indhaha laga fiirsan galgalashada,qabyaalad hurinta iyo mar la gashado shaar Soomalinimo iyo wadaniyada isma qaban karaan ee ha lagu ceebeeyo waxaana ka mid ah tan ay maanta Kooxda qabyo la joogto Cadaado oo aan filaayo in ay ayyadana ku ceeboobi doonaan sida ay horeyba ugu ceeboobeen tilaabooyinka sare aan ku xusay oo ay horey u qaadeen.

Dalka Soomliyeed mustaqbalkiisa waxaa leh dhalinyarada ha ka difaacdeen kala qaybinta qabyaaladeysan iyo calamada badan iyo daneystayaasha.

Wabilaahi towfiiq,

Waxaa qoray guuleed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.