Madaxda Galmudug oo aqbalay Doorashada Galmudug inay dhacdo waqtigeedii

xaaf

Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa aqbalay in 4ta bisha July ee soo socota ay qabsoonto Doorashada Xildhibaanada, iyo Hugaanka sare ee maamulkaasi.

Warkaan ka soo baxay madaxda Galmudug ayaa lagu sheegay in sida ku cad warqadii ka soo baxday Wasaarada arimaha gudaha Dowlada fedraalka soomaaliya ee ku aadaneyd qabsoomida Doorashada Galmudug la isku raacay in doorashada galmudug ay dhacayso waqtiga loo asteeyey.

dhanka kale war ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyey Go’aanka madaxda Galmudug ee ku aadan qabsoomidda doorashada Galmudug wasaaradda arimaha gudaha soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda ay fududeyn doonto sidii doorasho Xor iyo Xalaal ah uga dhici laheyd deegaanada maamulkaasi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.