Daawo:Bulshada Dhuusamareeb oo ka hadlay imaantinka Ra’iisalwasaare Khayre

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Xasan Cali Khayre oo safar shaqo uga billaawday Gal-mudug ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad gobaleedka Gal-mudug.

Madaxa Xukuumadda Gal-mudug, mas’uulyiin kale oo ka tirsan dowlad gobaleedka Galmudug, wasiirka arrimaha gudaha XFS, wasiirro kale, xildhibaanno iyo qaybo bulshada magaalada ayaa Ra’iisul Wasaaraha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo safarkiisa ku wehliyaan wafdi ay kamid yihiin wasiirrada amniga gudaha, Boostada iyo kalluumaysiga ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb waxa uu kulamo la qaadanayaa bulshada qaybaheeda kala duwan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.