Xaaf iyo Wasiirka arrimaha Gudaha Somaaliya oo lagu wado inay kulmaan

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Maamulka Galmudug waxaa weli ka soconaya kulamo kala duwan oo u dhaxeeya wefdiga dowladda ee uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye iyo mas’uuliyiinta Ahlu-sunna.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed ducaale Geele Xaaf ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulan laqaato Wasiirka arrimaha Gudaha Somaaliya kaas oo horay ula kulmay Madaxa Xukuumada Galmudug Shiiq Shaakir.

Weli kulamadan wax natiijo ah wali kama soo bixin balse sidey inoo xaqiijiyeen masuuliyiin ku sugan dhuusamareeb waxay marayaan meel wanaagsan.

Lama oga sidey wax ku dambeyn doonaan, iyadoo Galmudug aad loo hadalhayo kulamadan ka socda Dhuusamareeb.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.