Itoobiya oo wali ay kajirto Deganaansho la’aan

Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in taliyaha ciidamada Difaaca ee dalkiisa la toogtay, ayadoo uu qalalaaso ka taagan yahay gobolka Waqooyi ee Amxaarada.

Abiy Axmed oo Telefishinka ka soo muuqday asagoo qaba dareeska ciidamada, ayaa sheegay in dhowr sarkaal oo kale lagu dilay weerar ka dhacay caasimadda gobolka Amxaarada ee Bahir Dar.

Dowlada Itoobiya ayaa waxay sheegtay in afgambi fashilmay uu ka dhacay gobolka Amxaarada.

Afgembigaas ayaa sida la tilmaamay waxa uu u jeedkiisu ahaa in guud ahaan dalka Itoobiya uu ka dhaco,waxaana laga cabsi qabay in uu ka bilaawdo Magaalada Addis Ababa ee Caasimada Dalka Itoobiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.