Wax ka ogow Ajandaha kulanka maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaaliya

barlaman

Xubnaha Golaha shacabka ee Baarlaamaanka Jamhuuriyada Fedraalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulankoodii caadiga ahaa ku yeelanayaan xarunta golaha shacabka, kadib markii maalintii sabtiga aheyd uu  kooram la’aan u baaqday kulankoodii.

Ajandaha maanta ay xildhibaanada ka doodayaan ayaa ah akhrinta koobad  wax kabadalka  sharciga iibka qaranka.

Ajandahan ayaa baaqday markiisii labaad  22tankii bishii may ee tagtay, inta aysan xildhibaanada fasaxa ciida galin ayuu markii koobaad baaqday waxaana malintii sabtiga aheyd ee todobaadkan uu markale u baaqday kalfadhiga xubnaha oo kooram la’aan u furmi waayay waqtigaasi oo la qorsheynayay in ay dib u furmaan kulamada golaha shacabka oo muddo fasax ku maqnaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.