Shiiq Shaakir oo sheegay in laqabtay dadkii dilka ka gaystay duleedka Dhuusamareeb

shaakir

Madaxa Xukuumadda Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ahna Hogaamiyaha ahlusuna ee garabka dhuusamareeb ayaa mar uu warbaahinta kula hadlaayey magaalada dhuusamreeb waxuu sheegay in ciidamada amaanka Galmudug ay gacanta ku dhigeen dadkii ka dambeeyay dilka Afartii ruux ee lagu dilay duleedka Dhuusamareeb.

Shiiq Shaakir ayaa waxa uu sheegay in falka ay ku kaceen uusan wanaagsaneen, una bandhigayaan shareecada Islaamka si looga gudo dambiga ay galeen.

Shiikh Shaakir ayaa sheegay in Maalmihii lasoo dhaafay Ciidamada Ammaanka Galmudug ay wadeen howlgalo ay ku raadinayaan dadkaan oo dil u geystay afar ruux oo la sheegay in ay shinni ku ilaalinayeen deegaanka Bulucle ee Gobolka Galgaduud.

Galmudug ayaa waxaa ka dhacay laba dil oo lagu laayey dad shacaba oo waxba galabsan waxaana dilkaas gaystay dad kasoo jeeda deegaanada Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.