Sawiro:Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Qaabilay Maamulaha Guud Ee Hay’adda USAID

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa qaabilay Maamulaha Guud ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) Mudane Mark Green iyaga oo si wadajir ah ugu dhawaaqay dib u hawlgelinta Xarunta USAID ee Soomaaliya oo la xiray sannadkii 1991-kii.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo Mudane Mark Green ayaa ka wada hadlay dadaallada ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ugu jirto dib u soo kabashada dhaqaalaha, deyn cafinta iyo dib u habaynta hannaanka maaliyadeed ee dalka si loo xaqiijiyo koboc dhaqaale oo waara.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisu ay mudnaanta kowaad siinayso sidii ummadda Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa isku filnaansho iyo dib u soo kabasho dhaqaale, isla markaasna ay soo dhawaynayso wada shaqaynta Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka.

Dhankiisa, Mudane Mark Green ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay hawlaha ay hay’adda USAID ka waddo Soomaaliya iyo qorshayaasha lagu dardargelinayo mashaariicda lagu taageerayo danyarta Soomaaliyeed si ay uga baxaan saboolnimada iyo shaqo la’aanta, una gaaraan isku filshaansho dhanka dhaqaalaha ah.

Mark Green in furitaanka xafiiska USAID ay timid kadib markii ay dowladda Mareykanku ay xaqiijisay in hoggaanka dalka ay ka go’ntahay horumarinta iyo ka guul gaaridda hadafyada waawayn iyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna dhanka kale ku dhawaaqay in USAID ay dowladda Soomaaliya ku caawinayso $185 Milyan oo wax looga qabanayo arrimaha bini’aadnimada dalka.

Mudane Mark Green ayaa sidoo kale xusay inay bilaabayaan barnaamijyo lagu caawinayo dadkii ay saameeyeen fataahadihii dalka ka dhacay, isaga oo ballan qaaday in hay’addiisu ay sii dardar-gelinayso barnaamijyada horumarinta iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.