Hargaysa:Xildhibaankii ka Hor yimid 18 May oo Xoriyadiisii dib u helay

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan golaha Wakiillada Somaliland oo mudo 38 maalmood ah ku xirnaa xarunta CID-da Somaliland ayaa maanta xoriyadiisii dib u helay.

Xildhibaanka ayuu xarigiisu la xiriiray kadib markii shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa uu ku tilmaamay maalinta dib ula soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland ee 18-ka May maalin Madow oo beelaha dega Somaliland aanay u dhamayn.

Qabashada Xildhibaan Dhakool ka dib oo maxkamada gobolka Maroodi-jeex la hor geeyey ay diiday inay dacwadiisa gudo gasho maadaama oo uu huwan yahay xasaanada xildhibaan nimo, waxaana sidoo kale Golaha Baarlamaanka Somaliland uu diiday inuu xasaanada ka qaado xildhibaanka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.