Togdheer:Askari Ku Geeriyooday Gacanta Dadweyne Gadooday kadib

Wararka laga helaayo Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in Hal Askari ku dhintay Iska hor-imaad deegaanka Fiqi Ayuub ee Gobolkaasi ku dhex maray Dad Shacab ah iyo Ciidammada  Booliska Somaliland

Dad Shacab  ah oo Gadoodsan ayay isku dhaceen Ciidammada Amniga, laakiin Dhagax ay Shacabku ku tuureen Ciidammada oo doonayey inay kala dareeriyaan ayaa sababay Geerida Hal Askari, sida Wararka Hor-dhaca ahi sheegayaan.

illaa hadda lama oga waxay Shacabku ka gadoodeen, balse waxa maalmihii u dambeeyay halkaa ka socday dhaqdhaqaaqyo Macdan lagaga baadhayo dhulkaasi, taasi oo loo malaynayo inay tahay ta Shacabku ka gadooday.

Xigasho HCTV TV

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.