Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland oo cambareeyey dhul boobka Kasocda Magaalada Kismaayo

yusuf

Waxaa todobaadkan gudahiisa la kala iibsadey, dhismana lagu bilaabay dhammaan dhulkii aay lahayd dowladii hore ee Soomaliya. Dhulkan waxuu isugu jiraa; Xafiisyadii, Dugsiyadii, Jardiinooyinkii, Garoomahii cayaaraha, Warshadihii, Xiryihii ciidamada kala duwan, iyo Guryihii saraskiisha dowlada.

Dhulka lagu dhaqaaqey kala boobkiisa waa inta u dhaxeysa xiradii Mariinada ilaa Qiilmawaaye iyo marka laga bilaabo Olompic ilaa Xiradii Ciidanka Cirka ama Academiyada. Arrintani fooshaxun ee uu maamulka Kismaayo ku kacay maaha mid la aqbalikaro.

Waxaan dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Jubaland, dowlada federaalka iyo cidwalba oo ka damqaneya boobka hantida maguurtada ah ee ummadda ka dgaxeysa aay u istaagaan sidii falkan burcadnimada ah looga hortegi lahaa.

Yuusuf Ducaale,
Musharax MJ2019

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.