Akhriso:Dowlada Soomaaliya oo bahda waxbarshada fartay in la hirgeliyo Manhajka cusub

Warqad Maanta oo Axad ah kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Waxbarshada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya, C/llaahi Goodax Barre ayaa lagu faray ay bahda waxbarshad Dalku qaataan manjahka Cusub ee dhawaan la diyaariyay.

Qoraalka ayaa lagu yiri dhammaan bahwadaagta waxbarshada Dugisyada iyo Dalladaha waa in ay u diyaargaroobaan hirgelinta Manhajka Qaranka ee Fasallada 1-aad illaa 8-aad oo ah manhajka cusub ee Soomaaliya.

Dugsiyada iyo bahda waxbarshada Dalka ayaa la faray in laga billaabo Bisha Agoosto, Sanad Dugsiyeedka 2019/2020-ka ay waajib tahay in la qaato Manhajka Qaranka, kaas oo laga hirgelinayo Dugsiyada Dalka oo idil.

Wasiirka ayaa qoraalkankan kasoo baxay Xafiiskiisa ku sheegay in Wasaaraddu ay samayn doonto tababarro Macallinnimo, kormeer iyo daba gal joogto ah oo ay ugu kuurgalayso cidda fulineysa dhaqan gelinta Manhajkan iyo kuwa aan fulin.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalkan in ciddii ka gaabsata in ay fuliso ay wasaaraddu ka ka qaadi doonto tallaabbo sharci ah oo ay ka mid noqon karto in lagala laabto aqoonsiga, Dugsigii meel marin waayo go’aankan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.