Wafti uu Hogaaminaayo Taliye Indho Qarsho oo gaaray Dalka Kuwait

Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Daahir Aaden Cilmi, ayna qeyb ka yihiin Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Cabaas Amiin Cali, iyo Taliyaha Hoggaanka Howlgallada Col. Ciise Axmed Wehliye ayaa booqasho rasmi ah maanta ku gaaray Dalka Kuwait, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay Madax Sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca ee Kuwait, Danjiraha Soomaaliya ee Kuwait Danjire Cabdullahi Maxamed Odawaa iyo saraakiil kale oo Safaaradda JFS ee Kuwait ka ka tirsan.

Wafdigan Sare ee Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ka socda ayaa inta ay booqashada ku joogaan Kuwait waxa ay la kulmi doonaan Madaxda Wasaaradda Difaaca Kuwait, gaar ahan Taliyaha Ciidanka Xoogga Kuwait Sareeyo Gaas Maxamed Khaalid Al- Khadar iyo Saraakiisha kale ee dhiggooda ah, iyadoo hadafka sodcaalkoodu la xiriiro xoojinta iskaashiga difaaca labada dal ee walaalaha ah.

Dowladda Kuwait waxa ay ku jirtaa Dowladaha sida muuqata u garab istaagay Soomaaliya intii ay burburka ku jirtay, waxaana sii xoogeysanaya xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo, iyadoo haatan Kuwait ay xubin ka tahay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, halkaas oo ay mar walba ka muujiso garab istaaga diblomaasiyadeed marka laga hadlayo amuuraha Soomaaliya.

Danjire Cabdullahi Maxamed Odawaa oo dhawaan loo magacabay Safiirka Soomaaliya ee Kuwait ayaa sii dardargeliyay barnaamijyadii Iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada Difaaca, Tacliinta, Ganacsiga iyo dib u dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha, waxaana la rajeynayaa in dhawaan Kuwait lagu qaban doono Shirweyne lagu horumarinayo Tacliinta Soomaaliya.

Wafdiga Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ayaa lagu wadaa in booqashadoodu ay qaadan doonto muddo afar maalmood ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.