10 Qof oo kasoo Jeeda Koonfur Galbeed ayaa Xalay Lagu xasuuqay Galkacyo

Koofurta Gaalkacyo ee Gobolka Mudug gaar ahaan dhanka ay maamulaan Maamulka Galmudug ayaa xalay koox hubyesan ay toogatay Cali Tahliil Cadceed (Cali Dhiif) oo kamid ahaa saraakiisha Nabadsugidda Galmudug.

Dilka kadib, Maleeshiyo ku heyb ah Sarkaalka la dilay ayaa dil wadareed u geysatay dad ku sugnaa isla Magaalada Gaalkacyo, Inta la xaqiijiyay 9 ruux ayaa ku dhimatay dilkaas ay geysteen Maleeshiyaadkaas ku haybta ah Cali Dhiif .

Wararka ayaa intaa ku daraya in dadka la dilay ay kasoo jeedaan Koofurta Soomaaliya, sida ay sheegeen dad ku sugan Gaalkacyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.