Sawiro:Wasiir Goodax oo Baardhere ka dhagax dhigay Macadka tababarka macalimiinta

Wafdi uu hogaaminayay wasiirka Waxbarshada, hiddaha iyo tacliinta sare ee Dowlada federaalka somaliya mudane Cabdullahi goodax barre kana mid ahayen masuuliyiin sare oo ka tirsan waxbarashada dowlada federalka somaliya iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee barlamaanka somaliya ayaa so gaaray degmada Baardhere ee gobolka Gedo.

Ujeedada waftigaan soo gaaray degmada Baardheere ayaa ahayd dhagax dhiga Macadka tababarka macalimiinta Jubaland oo ay ka wada faa’idaysanayaan Dowlad Gobaleedyada Jubaland iyo Konfur galbeed kaas oo qeyb weyn ka qaadan doono kor u qaadida tayada waxbarshada ardayda soomaliyed.

Dhinaca kale bulshada iyo maamulka degmada Baardheere ayaa so dhaweeyay mashruucan ugana mahadcelisay cid kasta oo ka qeyb qadatay hirgelinta mashruucan.

1 Comment

  1. Kkkkkk Wasiirka Dawladd Gobaledka jubbaland Macalin Mohamed Maxad ugaa Rabteen Ileen isaaga Soo Dhaweeyay Wafdigi Dawlada Fadaraalka Dhagaxana Wax kadhigaye

    Alla Maxa Xuumato iyo uqdaad idinka Buuxda kkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.