Dowlada Somaliya oo Sheegtay in ay guddi u magacaabeyso Shaqaaqadii ka dhacday Gobolka Hiiraan

calan

Wasiir ku xigeenka Wasaaraada Amniga ee Xukuumadda soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalkii  shalay galinkii danbe ka dhacay Duleedka Magaalada Beledweyne  ee gobolka Hiiraan.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada amniga Soomaaliya Cabdinasir Saciid Muuse ayaa  ka tacsiyeeyay geeridii ku timid taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan Maxamed Macow Xalane, waxaa uuna sidoo kale  sheegay in Ciidamada ammaaanka qeybahooda kala duwan uu uga digayo in ay ka qeyb qaataan xiisada ka taagan Gobolka Hiiraan, isagoo intaa raaciyay in wixii duleedka Beledweyne ka dhacay ay aad uga xuntahay dowladda Federaalka  Soomaaliya.

Wasiirka ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in gudi loo magacaabi doono shaqaaqadii ka dhacday magaalada Beladweyne, si ay u soo baraaan cidii ku lug laheyd wixii duleedka Beledweyne ka dhacay.

Sidoo kale Waxaa uu wasiir ku xigeenka shaaca ka qaaday in xal waara laga gaari doono muranka ka taagan Gobalka Hiiraan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.