Dowlada Shiinaha oo Soomaaliya soo gaarsiisay deeq Raashiin ah

Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya Soo gaarsiisay deeq mucaawino gargaar ah , taas oo ay u Wakiilatay Xafiiska hay’adda Cuntada Adduunka WFP ee Soomaaliya.

Munaasabad ay hay’adda WFP kula wareegtay deeqdan raashiinka ah ayaa waxa ay Maanta ka dhacday Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya,Wei Hongtain iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.

Deeqdan oo ka koobnayd, 440 tan oo Bariis ah, 1000 Tan oo Galley laga iibiyay gudaha Dalka ah, 350 Tan oo Saliid ah iyo 115 Tan oo Cunnada nafaqaysan ah, ayaa lagu wareejiyay Saraakiisha hay’adda WFP Soomaaliya, si ay Dowladda Soomaaliya ula wadaagaan qoondeynta gargaarkan.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wei Hongtain, ayaa sheegay in uu qorshahoodu in ay Dowladdiisu sida ugu dhaqsiyaha badan uga gudubto howlaha gargaarka, una tallaabsan doonto ka qeyb qaadashada dib u dhiska iyo nabadeynta Dalka.

Mr; Hongtain, ayaa sheegay in ay diiradda saarayaan dhismaha iyo dib u habeynta Isbitaalka Banaadir, Garoonka Kubbadda Cagta (Stadium Muqdisho) Waddada dheer ee isku xirta Gobollada Koofurta iyo Waqooyiga Dalka iyo in ay Dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan arrimaha amniga.

Wasiirka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Soomaaliya, Xamse Siciid Xamse, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Shiinaha kaalmada Bini’aaddannimo ee ay mar walba u fidiso Soomaaliya, wuxuuna sheegay in deeqdan si habsami leh loo gaarsiin doono meelihii loogu tala galay.

Gargaarkan ay Dowladda Shiinaha ugu deeqday Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo dhammaan Gobollada Dalka Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo goobaha ugu daran ee ay baahiyaha kala duwan ka jiraan ka jirto

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.