Amarkii shiiq Shaakir oo lafuliyey iyo Afar qof oo kasoo jeeda maamulka Konfurgalbeed oo lagu dilay dhusamareeb duleedkeeda

shaakir

Wararka Naga soo gaaraya  gobolka Galgaduud ayaa sheegaya  in xalay Saqdii dhexe 4 Ruux lagu dilay deegaan Duleedka ka ah Magaalada Dhuusamareeb ee Gobalka Galgaduud.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay Deegaanka Dhiin-waris oo Dhanka Koonfur kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb, waxaa ayna ka mid ahaayeen Shaqaalaha Goob Shinada Malabka looga dhaliyo oo ku taala deegaankaasi.

Afarta qof ee la dilay ayaa la sheegay in ay ka soo  kasoo jeedaan deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed,isla markaana loo dilay falal la xiriira aanooyin qabiil.

Ilaa iyo hada ma jiran wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Galmudug, kaasi oo ku aadan in ay faahfaahin ka bixiyaan wixii ka dhacay Deegaanka Dhiin-waris.

Maalmo kahor bay ahayd markii maamulka Ehlusuna ee ka arimiya Dhusamareeb ay amar kubiyeen in dadka kasoo jeeda deeganada Koonfurgalbeed laga masaafuriyo deeganada Hoos yimaada Dhusamareeb.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.