Madxwayne Farmaajo oo Kulan Laqaatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeira, ayaa shalay la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,isagoo kala hadlay dowrka AMISOM ay ka ciyaareyso xasilinta Soomaaliya ka dib markii dhowaan Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya waqti kordhin loo sameeyay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii hore dabayaaqadeedii qaatay go’aanka ah 2472 kaas oo waqti kordhin loogu sameeyay howlgalka AMISOM,waxaana Golaha ammaanka uu ansixiyay in 1000-askari laga dhimo tirada AMISOM ee ka howlgasha Soomaaliya si waafaqsan Qorshaha Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya oo si tartiib ah loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga dalka Ciidanka Qaranka Soomaaliya.

“Dhammaanteen waxaan isku raacnay in AMISOM xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo Soomaaliya si ay gacan uga geysato soomalaiya dadaalkeeda ah in la xasiliyo dalka lana ciribtiro Al-Shabaab. Dadaallada wadajirka ah waa in ay sii socdaan, Al-Shabaab waa in la xakameeyaa, “ayuu Ambassador Madeira ku sheegay wareysi uu bixiyay ka dib markii uu shirka soo idlaaday.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Danjire Madeira ayaa ka wada hadlay horumarada laga gaaray qeybaha amniga,gaar ahaan waxay si aad ah diirada u saareen deegaanadii dhowaan ay la wareegeen ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya AMISOM ee Sabiib iyo Bariire oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

” Tani waxay ku tusuineysaa tayada ciidamada (SNSF) ee hubinaya in dadka Sabiid iyo Bariire iyo in hantidooda la ilaaliyo oo aysan jirin jid-gooyooyin sharci-darro ah oo aan lahayn canshuur sharci-darro ah ama meel ka dhac lagu sameeyo,” ayuu yiri Ambassador Madeira.

Ugu dambeyntii, Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa sheegay iney sii socon doonaan howlgalada lagu beegsanayo kooxaha argagixisada ee ay wadaan Ciidanka Xoogga dalka iyo AMISOSM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.