Ra,iisalWasaare Khayre oo magacaabay guddigga qaban qaabada xuska todobaadka xoriyadda

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya qaban qaabada munaasabadda xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya.

Guddigan uu magacaabay ra’iiusul wasaaraha Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan qaban qaabada,sanadguuradii 59,aad ee ka soo wareegatay xorriyadda,midnimada iyo dhalashada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed,kaasi oo ka kooban 9 xubnood.

halkan hoose ka akhriso magacyada guddiga:

1: Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiirka Warfaafinta Guddoomiye.

2: C/raxmaan ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xubin

3: Xasan Cali Maxamed,Wasiirka Gaashaandhigga xubin.

4: Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xubin.

5: Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha xubin.

6: Deeqa Yaasiin Xaji Yuusuf wasiirka haweenka iyo xuquuqulinsaanka xubin.

7: Sadiiq Xirsi Warfaa Wasiirka Shaqada iyo arrimaha bulshada xubin.

8-Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xubin

9-Bashiir Axmed Cusmaan Agaasimaha Golaha Wasiirada iyo xiriirka Baarlamaanka Xubin

Shaqada ay qabanayaan ayaa ah:-

1: In ay qaban-qaabiyaan xuska munaasabadda xoriyadda 26 June iyo 1 Luuliyo.

2: In ay si siman u xiriiriyaan hay’adaha qeybta ku leh qaban-qaabada maalmaha xorriyyadda.

3: in ay jaan-gooyaan kharashaadka ku baxaya xuska maalmaha xorriyadda.

4: In ay magacaabaan guddi hoosaad farsamo ee abaabulka maalmaha xorriyadda.

5: In ay sugaan amniga goobaha kala duwan ee  lagu qabanayo munaasabadaha 26 June iyo 1-da Luulyo 2019.

6:In ay kormeeraan sida ay u socdaan howlaha guddi hoosaadka farsamo ee abaabulka munaasabadaha Qaran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.