Daawo:Gudoomiye Yariisow oo dhagax dhigay Dhismaha Waddo Laami ah oo isku xiri Doonta Baar Ayaan ilaa Siinaay

yariisow

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisoow) ayaa dhagax dhigay waddo laami ah oo isku xirta isgoosyada Siinaay iyo Baar-Ayaan ee degmooyinka Warta-nabadda iyo Yaaqshiid.

Guddoomiyaha oo ka warbixiyey dadaalka Maamulka Gobolku ay ugu jiraan horumarinta caasimadda iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha ayaa uga mahadceliyey bulshada degmooyinka Warta-nabada iyo Yaaqshiid sida ay kaalintooda uga qaadanayaan hirgelinta waddadan oo muhiim u ah isusocodka iyo ganacsiga degmooyinkaas.

Eng.Yarisow ayaa kula dardaarmay Ingineerrada ku hawllan dhisidda waddadan in ay hirgeliyaan laami dhaxal gal ah oo adkeysi u leh biyaha roobka, isla markaasna lagula xisaabtamayo dhismaha jidadka oo ah hanti guud ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.