Ciidamada Jabuuti oo Alshabaab ku laayay duleedka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

dagaal

Wararka aan ka heleyno Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaadka argagixisada Alshabaab jab xooggan la gaarsiiyay, kadib markii ay isku dayeen in ay weerar gaadmo ah ku soo qaadaan Ciidamada hiil walaal ee Jabuuti oo marayay duleedka degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Waxaa jira khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo loo geystay maleeshiyaadka naflacaariga Alshabaab, iyadoo ay xusid mudan tahay in argagixisada ay kala carareen kadib markii ay u babac dhigi waayeen awoodda ciidamada hiil walaal.

Ciidamada hiil walaal ayaa sii watay safarkooda dhulka ahaa kadib markii ay cagta mariyeen haraadiga Alshabaab oo awoodoodu ku soo aruurtay in ay dhibaateeyaan dadka shacabka, iyagoon awood u leheyn in ay hor istaagaan Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Amison.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.