Daawo:Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Oo Muqdisho Uga Qayb Galay Xuska Maalinta Badaha Adduunka

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qayb galay munaasabadda maalinta badaha aduunka oo lagu qabtay Muqdisho.

Olole lagu nadiifinayo xeebaha dalka ayaa laga sameeyay qaybo kamid ah xeebta caasimadda Muqdisho intii ay socotay munaasabadda Xuska maalinta caalamiga ah ee badaha (June 8) oo ay si wadajir ah u diraariyeen sannadkaan wasaaradaha Kalluumaysiga iyo Dekadaha XFS.

Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Badda XFS, Maryan Aways, ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka uga warbixin kooban ka siisay munaasabadda xuska oo lagu maamuusay qashan saarka xeebaha.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay in badda dheer ee dalka Soomaaliya ay qayb ka tahay ilaha dhaqaale ee ugu wayn dalka, ayna muhiim tahay in laga shaqeeyo hagaajinteeda si ummadda Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido ballaaran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.