Wasiir Goodax oo shaaciyey Xiliga uu dhacayo Imtixaanka Dugsiyada

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre  ayaa sheegay in imtixaanka dugsiga sare uu dhacayo waqtigii loogu tala galay, waxa una ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed in ay u diyaar garoobaan imtixaanka. “Maalinta isniinta oo ku beegan 27-ka bishan Maaj waxaa si rasmi ah guud ahaan dalka uga bilaaban doona imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada sare, Ardeyda Soomaaliyeed ee ka qeyb galeysa imtixaanka waxaan u rajeyna guul” ayuu yiri Wasiir Goodax oo hadalkiisa ku daray “Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya waxay markasta mas’uuliyad iska saareysa sidii loo garab istaagi lahaa ardeyda Soomaaliyeed, Laamaha ammaanka waxaan ka codsaneyna inay ardeyda u turaan”. Imtixaankan waxaa ka qeyb gali doonta sodon iyo koow kun iyo shan boqol oo ardey kuwaasoo ku kala sugan gobolka Banaadir  iyo gobollada Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.