Musharax Xidig oo Sheegay cida Soo Abuubashay Qarax lagu dili Rabay

xidig

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Xildhibaan Cabdirishiid Xidig ayaa waxuu ka warbixiyey Qarax fashilmay oo larabay in lagu dhibaateeyo asaga iyo Ilaaladiisa.

Hoos ka aqriso Qoraal soo dhigay bartioisa Facebooga

Asc: Dhamaan Umada Muslimiinta Gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed Ramadaan Mubaarak:

Ilaahay mahadii waxaa fashilmay fal wuxushnimo ah oo ay maleegeen shakhsiyaad Xukun madax maray:

Waxaa hubaal ah In Qaraxa lagu diyaariyay ama la keenay guriga Askariga ilaaladeyda kamidka ahaa loo soo waday guriga aan ka degenahay maagaalada Kismayo:

sidoo kale baadhitaan kadib waxaa muuqatay in Qaraxa aan laga keenin lagana soo Abaabulin meel ka baxsan Gudaha Kismayo:

Cadeynta ugu xoogan ee tilmaameysa raadka halka Qaraxu ka soo jeedo ayaa muujineysa sida dhibka yar ee ay u xanbaarteen Qaraxii oo aan lala socodsiinin heyadihii Amniga ee Jubaland iyo Ciidamada u tababaran Kala furida Qaraxyada Taasoo lagaga hortagayo In Heyadaha Amnigu ay baadhitaan ku sameeyaan:

Sida maanta dhacday oo kale way adag tahay In Qarax meel lagu diyaariyay Qof u yimaado oo gaadhiga iska saarto iyadoo aanay ciidamada u tababaran hubinin In Qaraxa la kala furay:

Falka maanta ayaa muujinaya In ragii meesha ku diyaarsaday ay Dib u qaateen kadib markuu ka fashilmay.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay inuu Qaatay oo Gaadhigiisa saartay mid kamida Saraakiisha ilaalada Madaxtooyada Jubaland:

Dhinaca kale waxaa magaalada kismayo si xawli ah uga socda shirar, Shirqoolo iyo Abaabulo lagaga soo horjeedo murashaxiinta Madaxweynaha Jubaland iyo Odoyaasha Dhaqanka ee Rasmiga ah:

shirqooladan waxaa hormuud u ka ah shakhsiyaad xilal ka haya Maamulka Jubaland iyo kuwo xilal ka haya goloyaasha Federaalka oo hada kismayo ku sugan:

Umada soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka indhaha ha ku hayaan falalka iyo shirqoolada kasocda Kismayo:

Isbedel Doonka Jubaland Waxaan usoo jeedinayaa inay ilaaliyaan Amniga Iyo Midnimada Jubaland, sidoo kale waxan usoo jeedinayaa inay laban laabaan Kacdoonka Isbedel doonka Jubaland:

Dhamaan taageerayaasha gudaha iyo dibada Waxaan idiin xaqiijinayaa inaan marna nala cabsi gelineynin kuna taaganahay jidka isbedel doonka cid is hortaagi kartaana jirin (inshaalaah):

Heyadaha Amniga ee Jubaland, Heyadaha Amniga ee Federaalka iyo Ciidamada Amisom Waxaan ka codsanayaa inay baadhitaan degdeg ah ku sameeyaan Falkan:
Jawaab degdeg ahna ka bixiyaan;

Amaana Alaah:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.