Maxkamada Ciidamada ayaa dil ku xukuntay Askari dilay Mooto Bajaajle

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun ku rday Dable Booliis Cali Maxamuud Axmed oo katirsanaa Ciidamada Booliiska Soomaliya.

Waxa uu ku eedeysan yahay dil iyo dhaawac uu u kala geystay Wade Mooto Bajaaj iyo qof kale oo ka dhacay Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Falkaan ayaa dhacay 8-dii bishaan, waxaa dhawaan la dhageystay Kiiska Eedeysane Cali iyo dhageysiga marqaatiyaasha, waxaana maanta lagu xukumay dil toogasho ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay In eedeysanaya lagu helay dil iyo dhaawac Bareer ah oo uu geystay.

Cali Maxamuud Axmed ayaa loo heystaa dilka Cabdirisaaq Yuusuf Guure oo ahaa wade Mooto Bajaaj iyo dhaawac uu u geystay Cali Xaashi Mataan oo ahaa Sarifle.

Gudoomiye Shuute ayaa sheegay in uu rafcaan u furan tahay in uu qaato Dable Booliis Cali Maxamuud hadii uusan ku qanacsaneen xukunka ku dhacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.