Doorashadii Deni oo waxba usoo kordin Amniga Boosaaso iyo Askari Lagu Dilay Boosaaso

deni

Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga maamul goboleedka Soomaliyeed ee Puntland ayaa Rag Bistoolado ku hubeysan ay xalay weerar waxa ay ku dileen askari ka tirsan Ciidamada booliska Puntland mid kale ku dhaawaceen.

Sida wararka Naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso sheegayaan weerarka lagu qaaday askartaan ayaa dhacay iyadoo Ciidamada wadeen howlgal ay amniga ku xaqiijinayaan .

Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa intuu Doorashada ku Jiray waxuu sheegay hadii la doorto inuu Amniga wax kaqabanayo taas oo rajedeedu ay sii yaraanayso walow ciidamo lageeyey Magaalada Boosaaso Amniga wax kaqabta.

Ciidamada amaanka ayaa daqiiqado kadib gaaray halka weerarka uu ka dhacay, waxeyna sameeyeen howlgallo baaritaano ah, iyagoo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro ay ku tuhmayaan iney kala shaqeeyeen kooxdii falka dilka iyo dhaawaca ah geysatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.