Daawo:Madaxweyne Farmaajo oo ka qayb gelaya Caleemo-saarka Madaxweynaha Koonfur Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay Magaalada Pretoria ee Caasimadda Dalka Koonfur Afrika.

Madaxweynaha ayaa halkaas kaga qayb gelaya xafladda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika Mudane Matamela Cyril Ramaphosa oo ku martiqaaday xafaladdiisa qaar ka mid ah Madaxda caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay Dalka Koonfur Afrika waxa uu kulan doceedyo la yeelan doonaa hoggaanka dalkaas iyo Madaxda kale ee dhiggiisa ah ee ka soo qayb gelaya munaasabaddan, isagoona kala hadli doona danaha wadajirka ah ee kala dhexeeya dalkeenna.

Wafdiga Madaxweynaha ee ka qayb gelaya munaasabadda caleemo-saarka Madaxweyne Matamela Ramaphosa waxaa ka mid Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Danjire Axmed Ciise Cawad iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.