Wasaaradda Gargaarka Somalia oo soo Bandhigay Qorsha Gurmadka Abaaraha

Wasaaradda gargaarka iyo maaraynta musiibooyinka XFS ayaa shirka Tubta horumarinta arrimaha bulshada  waxa ay ugu  soo bandhigtay qorshaha loogu gurmananayo hadii ay abaaro ka dhacaan deegaannno kamid ah dalka.
Wasaaradda ayaa samaysay guddi ka kooban sagaal wasaaradood oo xukuumadda  kamid ah iyo wasaaradaha gargaarka maamul gobaleedayada, si dhaqsa loogu gurman karo hadii ay abaaro dhacaan.
Shirka maanta oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa sidoo kale lagu soo ban-dhigay siyaasadda dalxiiska oo ay oo diyaarisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska.
Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo mas’uuliyad gaaar ah iska saaraysa mawaadiniinta Soomaaliyeed ayaa waxa ay guddiga gurmadka abaaraha uga hor tegeysaa in la sameeyo guddiyo deg deg ah kadib marka ay dhibaato dhacdo.


Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.