Sawiro:Odayaasha Axmed madoobe sameystay iyo Barlamaankii waqtigiisi dhamaaday oo heshiis wadagaaray

jubaland

Baarlamaanka Jubbanland ee waqtigooda dhamaaday ayaa maanta kulan la qaatay Odayaasha Axmed madoobe Samaystay waxaana kulankaas looga hadlayay arrimo ay kamid yihiin habka soo xulista Baarlamaanka cusub ee shaqayn doona afarta sano ee soo socoto iyo xeeraka ay Baarlamaanka ansixiyeen ee ah in beel kasta ay guddiga doorashooyinka usoo gudbiyaan saddex musharax oo u tartamaya xubinimada Baarlamaanka.

jubaloand

Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland ee waqtigooda dhamaaday ayaa Odeyaasha Axmed madoobe sameeyey ka codsaday in ay dib usoo doortaan si ay u dhameystiraan howlaha hadda socda, waxayna Odeyaasha sharraxaad ka siiyeen duruufihii adkaa ee ay kusoo shaqeeyeen.

Kulankaas ayaa ah mid uu axmed madoobe soo abaabulay si uu odayaal aan cidna matalin Xildhibaano u dooran lahaayeen taas oo bulshada Jubbaland horay u diiday.

jubaland
jubaland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.