Madaxwayne laftagareen oo iclaanshal dagaal ka dhana Alshabab

Madaxweynaha Maamulka Soomaliyeed ee Koofur Galbeed CabdiCasiis Xasan Maxamec Lafta-gareen ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah AL-shabaab.

Madaxwayne Laftagareen oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhaba ayaa waxaa uu marka hore ka tacsiyeeyay geerida Falar Liibaan Nuurow oo ka mid aha Golaha degaanka Bardaale oo shalay qarax lagu dilay.

Madaxwayne Laftagareeen ayaa Mas’uuliyiinta kala duwan ee Maamulka Koofur Galbeed ugu baaqay in ay feejignaan dheeraad ah muujiyaan maaddaama ay bartilmaameed u yihiin Al-shabaab.

Hadalka Lafta-gareen ayaa yimid kaddib markii sarkaal ka mid ah Maamulka Koofur Galbeed shalay lagu dilay Degmada Bardaale ee Gobolka  Baay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.