Wasiirka Maareeye oo Maanta lashiray Shaqalahaa Wasarada Warfaafinta Soomaaliya

mareeye

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda ayaa maanta waxaa uu kullan la qaatay Shaqaalaha kala duwan ee Wasaaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Ujeedada ayaa aheyd in Wasiirku Shaqaalaha Wasaaradda u sharaxo qaabka Tubaha ee dowladdu dooneyso in dalka lagu hogaamiyo iyada oo Wasaarad walba dhankeeda ka qaadeyso qeybta ay shaqada ka leedahay.

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa shaqaalaha qaarkood waxaa uu ka dhageystay figradaha ku jira iyo qaabka uga qeyb qaadan karaan Hormarinta dalka iyada oo la raacayo jiheynta Xukuumadda Dalka.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Maareeye oo markii Sedexaad Wasiir kasoo noqonaya Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay in muhiimadda ugu weyn tahay in laga wada shaqeeyo siddii dadka Soomaaliyeed loo gaarsiin lahaa firiinta Dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.