14 Maleeeshiyadda Al Shabaab oo xalay lagu dilay deegaanka Bariire

odawaa

Maleeshiyadda Al Shabaab ayaa xalay isku dayey inay weeraraan Deegaanka Bariire ee Gobolka Sh/Hoose iyaga oo labo jiho kasoo galay.

Ciidanka Xoogga ee Bariire ku sugan oo xogta weerarka Al Shabaab sii hayey ayaa waxaa maleeshiyadii soo qaaday weerarka halkaas loogu geystay qaasaro weyn.

General Yuusuf Raage Odawaa Taliyaha Ciidanka lugta ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey 14 kamid ah meydadka Shabaabkii Bariire soo weeraray halkaas yaaliin.

Dhanka kale qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo xaqiiyey Al Shabaab meydad badan oo dagaalka looga dilay inta qaateen Wabiga ku shubeen.

Deegaanka Bariire ayaa dhawaan waxaa Maleeshiyadda Al Shabaab kala wareegay Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab kuwaas oo halkaas ka sameeyey howlgalo isdaba joog ah.

Warkii warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.