Waxka ogow Safarka Maxamuud Sayid ee Ceelwaaq”

sayid

Dhawaan waxaa Degmada Ceelwaaq gaarey Maxamud Sayid Aadam Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland kaasoo ku dhawaad mudo 3 bilood ah ku sugnaa Magaalada Nairobi’

Maxamud Sayid inta uu Nairobi ku sugnaa waxaa uu kulamo la qaatay saraakiil sar sare oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha gudaha kenya iyadoo ay si buuxda isagu af-garteen dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen.

Maxaa kamid ah qodobada laga wada hadlay??

Dowlada Kenya gaar ahaan Wasaaradda Arimaha gudaha oo ay saaran’tahay culeys la xiriira dhismaha darbiga xadka kala qeybiya labada dal, ayaa dhawaan baarlamaanka kenya uu ka dalbaday Dowladda xisaab celinta dhaqaalaha ku baxay dhismaha darbiga oo lagu qiyaasay lacag dhan 30 milyan ,waxaana ilaa hada la dhisay wax ka yar 2 KM kadib iska caabin xoogan iyo diidmo ay shacabka Balad-xaawo kala hor yimaadeen qorshaha dhismaha iyo ciidamada Amaanka kenya oo u taag waayey arintaa.

Hadba marar is xig xigay ay ku fashilantay Kenya qorshaha dhismaha darbiga dhanka Balad-xaawo iyo culeyska Xukuumada ka heysta baarlamaanka ee la xiriira xisaab celinta ayaa waxay Dowlada Kenya soo hindistay qorsho cusub oo ah in dhismaha darbiga ee xadka laga bilaawo dhanka Degmada Ceelwaaq kadibna la mariyo dhamase halkaasna looga daro dhismihii fashilmay ee Balad-xaawo.

Dowlada Kenya ayaa si ay oga baxsato cadaadiska baarlamaanka ka heysta u dooratay in qorshaha dhismaha darbiga ay u weeciso Ceelwaaq labo arimoood oo kala ah, in Ceelwaaq ay ka dad yartahay Balad-xaawo iyo in Ceelwaaq ay ku jirto go’doon aysan sahlaneen in loo bareero fashilinta qorshahooda.

Maxamud sayid oo kaashanaya Gudoomiyaha Gobalka MM ayaa oga wakiil ah kenya Hirgelinta qorshahaan cusub.

sayid

Dhawaan waxaa la qorsheynayaa in Ceelwaaq la geeyo ciidan hugan shaarka Jubbaland oo laga soo qaadi dono Dhoobley waxaana lagu kabi donaa ciidankaas maleeshiyo degaanka ah, Ciidankaan waxay habeenkii ku hoyan donaan degaanka Ceelqaalow dhinaca kenya maalintiina waxay ilaalo ka noqon donaan shaqaalaha ku howlan dhismaha darbiga iyagoo ka xigsanayo fal-celinta ka imaan doona bulshada degaanka.

Maxamud sayid ayaa qorshahaan ku qaatay dhaqaale badan iyadoo hadii uu Hirgeliyana qorshahan uu heli donaa awaal Marino dheeri ah.

W/q JIIJIIle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.