Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kormeeray Taliska Qaybta Guud Ee Booliiska Gobalka Banaadir

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, oo kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga caasimadda, ayaa booqday xarunta hagista iyo ka jawaabidda numberka 991 ee Booliisku dhawaan howl geliyeen si shacabku ay ugu soo gudbiyaan xogaha ay helaan.

Howl-wadeennada Booliiska ee u xil saaran shaqada xooggna ee isku xirka booliiska iyo shacabka xogta usoo gudbinaya, ayaa Ra’iisul Wasaaraha siiyay warbixin la xariirta hannaanka ay u shaqeeyaan iyo wixii u qabsoomay booliika wixii ka dambeeyay markii dhawaan la howl geliyay nambarka 991.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u sheegay saraakiisha booliiska in wada-shaqaynta booliiska iyo bulshada inteeda kale ay muhiim u tahay sugidda amniga dalka, nambarka gaabaanna uu kamid yahay wadiiqooyinka ugu muhiimsan ee isku xirka, waxa uuna laamaha amniga kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi ayaa kormeeray taalladda SYL oo ay ka socoto howl dardar leh oo si Is-xilqaan ah loogu dhisayo, iyada oo lagu jiro toddobaadka munaasabadda xuska dhallinyara Soomaaliyeed.

Did you like this? Share it:

Previous articleTartamayaasha Shangaani oo caawa soo tiigsaday wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”Next articleXaruntii ugu horeysay ee Carruurta inay ku madadaalaan  loogu tala galay ayaa laga furay Magaalada Muqdisho “Sawirro”

seydcumar

RELATED ARTICLESMORE FROM AUTHOR

Xaruntii ugu horeysay ee Carruurta inay ku madadaalaan  loogu tala galay ayaa laga furay Magaalada Muqdisho “Sawirro”

Tartamayaasha Shangaani oo caawa soo tiigsaday wareegga 2aad ee tartanka “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho “SAWIRRO”

LEAVE A REPLY

 Notify me of follow-up comments by email.

 Notify me of new posts by email.

TOOS U DHAGEYSO IDAACADDA RADIO MUQDISHO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.