Sawiro:Faa’iidadii Madaxda maamul goboleedyada iyo Siyaasiyiinta ku shiray Nairobi.

wajeer

Dhawaan bay ahayd markii qaar kamida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Qaar kamida Xildhibaanada Dowlada Soomaliya ay shir ku qabsadeen Magaalada Nairobi dalka kenya kuwaas oo la rabay in lagu majaxaabiyo horumarka dalka soomaliya.

Dowlada Kenya oo ka faa’idaysanaysa mucaaradka Dowlada Soomaliya ayaa Rakaabkii ka Dhoofay Garoonka Diyaarada Magaaladda Muqdisho Baaris Dheer oo Waqti badan Qaadatay Waxay ku Mareen Magaaladda Wajeer ee dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa waxay hirgalisay amar ay soo saartay kaas oo ahaa diyaaradaha ka imaanya Soomaliya inaysan si toosa usoo galin Nairobi balase badelkooda soo maraan Magaalada Wajeer ee dalka kenya.

Dowlada kenya ayaa waxay Jabisay heshiiskii ay lagashay dowlada Soomaliya kaas oo isu furaayey duulimadka labada Dal.

wajeer
wajeer

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.