Wasiirka cadaaladda oo muqdisho ka furay shirka joogtada ah ee looga hadlo tayeynta sharciga.

wasiir

Wasaaradda Cadaaladda & Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay shirka billaha ah ee ay isugu yimaadaan Bahda Cadaaladda Soomaaliya ee heer federal iyo heer Dowlad-goboleed, Xafiisyada Madaxweynaha Iyo Ra’isul wasaaraha’ Wasaarada Qorsheynta iyo Hay’aha Caalamiga ah ee Dowladda Soomaaliyeed ka taageera tayeynta Hay’adaha Cadaaladda.

Shirka waxaa lagu soo bandhigay adeegyada muhiimka ah ee lagaarsiiyey bulshada Soomaaliyeed ayadoo ay dhamaan wasaaradaha Cadaaladda ay soo bandhigeen wax-qabadkii bilaha hore ee sanadka 2019. Shirka waxaa wada-shirgudoominayey Wasiirka Cadaaladda XFS Abukaato Xasan Xuseen Xaaji iyo safiirada Nederland  iyo EU.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.