Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida Amb. Maxamed Warsame Kiimiko


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko oo xalay ku geeriyoodey magaalada Nairobi.

Alle ha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali Kiimiko waxa uu kamid ahaa aasaasayaashii iyo Madaxweynihii ugu horreeyey ee Maamulka Galmudug, isaga oo sidoo kalena Danjire ka soo noqday dalalka Faransiiska, Maraykanka iyo Qaramada Midoobey.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraaya guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Amb. Maxamed Warsame Cali.”

“Amb. Maxamed Warsame Cali waxa uu ahaa shakhsi aqoon, karti, hufnaan iyo daacadnimo ku suntanaa. Waxa uu qayb wakhtigiisa kamid ah ku qaatay u adeegidda shacabka Soomaaliyeed isaga oo danjire ka noqday dalal badan. Sidoo kale, Marxuumku waxa uu kamid ahaa aasaasayaashii Maamulka Galmudug. Waxaan Alle ka baryayaa in uu u naxariisto oo hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa, ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.”

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.