Ilaa haatan Maxaan ka baran karnaa Shirka Garoowe?

Waxaa igu jirey aniga oo ka shidaal qaadanaya ficilada kuwa mucaaradka sheeganaaya oo ay ugu horeeyaan madaxda maamulada gobolada qaarkood in dadka Soomaaliyeed dareenku ka dhintay oo qarankii iyo wadaniyadii qalbiyadooda ka dhamaatay,waxaan lahaa yaa ka mayray maskaxda dad kayaga wadaniyadii,qaran jacaylkii iyo qabkii iyo karaamadii ay lahaan jkireen,haddaba laba dhacdo oo shacbiga reer Garoowe sameeyeen baa wax ka badalay wixii aan qabay,waxaana ii soo baxaday in weli sharftii ,karaamadii ,wadaniyadii iyo qabkii dadka Soomaaliyeed noolyihiin,oo maaxaa dhacay?;-

Siddii caadada ahayd shacbiga reer garoowe looma abaabulin in ay soo dhaweeyaan madaxweynahooda Maxamed Cabdullahi Maxamed (FARMAAJO) haddaba ayaga oo arkay in taas meel kadhac ayaga iyo qarankaba ku tahay bay iskood ugu tabaabusheyteen,amaradii iyo weliba cagajugleyn lagu deyey dhegaha ka fureysteen,waxaa la yaab lahayd in calanka dalka iyo sawirka madaxweynaha ay iskood u diyarsadeen,waxba yaana hadal idin ku daaline wixii dhacay hoos ka daawada iyo sawaxanka wixii ay ku qaylinayeen.

Dhacdada kale ee la yaabka lahayd iyo rikoorkii uu jabiyey Ra,iisulwasaare Khayre waxay ahayd aroortii 05/05/2019 markii hal mar ah shacbigu indhaha ku dhuftay asaga oo baraxada Garoowe maqaayad ku soo jeeda soo fareystay qaxwana ka dalbaday,kii shaqao u socday,kii meheradiisa u soo kalahay,ardaydii dugsiyada u socotay iyo wayeelkii salaada soo tukaday ee Meesha soo qaxwe doontay,markii ay arkeen ra,iisulwasaarihii oo kaligiisa oo dhex fadhiya meeshii baa lagu soo xoomay,dhexdey gashadeen afkana waa furteen shacuur wadaniyadeed,dareen wadaniyadeed iyo dawlada dalka jacaylkiisa oo uurkooda jiifday bay wada burqadeen afka bay furteen, wixii calloosha ku haysteen bay banaanka soo dhigeen,yaana idin daalinine Meesha wixii ka dhacay hoos ka daawda.

Isku soo wada duud waxay reer garoowe wadnaha waran kaga dhuteen cadawga dalka iyo dabadhilifyada dhuuniraaca ah.

Waxay fariin u direen shacbiweynaha Soomaaliyeed in dalka ayyagu leeyihiincadwga gudaha iyo kan dabadaba in laga ilaaliyo ay waajib tahay,xilka koowaadna shacbigu leeyahay maadaama ay yihiin milkiilayaasha dalka.

Waxay toosh ku daareen kuwa mucaaradka isku sheega oo fikirkas ku hoos dhuuntaa in ayyan dalka boos ku lahayn dadka ayyan been u sheegi Karin.

Waxay aniga iyo inta ila midka ah ka mayreen niyadjabkii in dareenkii wadanigu dhintay oo ay muujeen in aan weli nool nahay oo weliba aan nala loodin Karin.

REER GAROOWE GUUL,WADANIGU HA NOOLAADO,KU DAYASHO WACAN.FADLAN QAYBI

GUUL IYO GOBONIMO,WABILAAHI TOWFIIQ.

Jimcaale London.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.