Wararkii ugu dambeeyey ee Isbitaalka Magaalada Garbahaaray

garbahaaray

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Garbahaaray ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan inay shaqaalihii hay’ada Trocaire ay iskaga baxeen isbitaalka Magaalada Garbahaaray waxaana loo qaaday Magaalada Nairobi.

ka bixitaanka shaqaalahaa Trocaire ayaa waxuu yimid kadib markii qilaaf soo kala dhexgalay bulshada Magaalada iyo ha’ada, hadana waxaa socoda dadaalo ay wadaan Maamulka iyo waxgaradka Magaalaada sidii shaqaalaha Trocaire dib loogu soo celin lahaa Isbitaalka Magaalada Garbahaaray kaas oo ay ka fulinayeen Caafimaad bilaash ah.

Isbitaalka Magaalada Garbahaaray ayaa hada shaqeynaya waxaana shaqadii sii wada shaqaalaha Soomalida ee ka hawl gala Isbitaalka Magaalada Garbahaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.