Deni oo ku fashilmay Amniga Puntland iyo qarax ka dhacay Boosaaso

deni

Boosaaso: Guddoomiyaha Gobalka Bari oo ka bad-baaday Qarax lala beegsaday Gaarigiisa.

Qarax xooggan ayaa Goor-dhaweyd ka dhacay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, gaar ahaan nawaaxiga hotel Jubba.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Gaari maraayey jidka hotel Jubba ee Magaalada Boosaaso, Waxaa lahaa Guddoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys sida wararka nagu soo gaarayaan.

Ciidamada amniga ayaa gaaray goobta qaraxu ka dhacay, waxaana qarax gaystay dhaawac askar a tirsan Puntland.

Madaxwaynaha Puntland ayaa waxuu doorashada kusoo galay inuu wax ka qabanayo amniga Magaalada Boosaaso kaas oo kasii daray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.