Daawo:Guddiga Dorashada jubbaland ayaa sheegay inay Kismaayo lagu qabanayo Doorashada Xildhibanada jubbaland.

jubaland

Guddiga xuduudaha iyo doorashooyinka dowlad goboleedka Jubbaland ee Axmed madoobe Magacowday ayaa waxa ay magaalada Kismaayo kula kulmeen Mas’uuliyiin ka socotey xafiiska Qaramada Miboobey ee Soomaaliya gaar ahaan xafiiska, waxaana hoggaaminayay Dr Magnus Bajarnasoon oo ah ninka ugu sareeya xafiiska Jubbaland.

Kulanka oo saacado kooban socdey islamarkaana Saxaafaddu ay dibad joog ka ahayd ayaa Dr Xamsa Cabdi Barre guddoomiyaha gudiga xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sharaxey waxyaabaha ay ka wada hadleen Mas’uuliyiinta xafiiska UN ka socdey waxuuna sheegay inay Odayaasha dhaqanka Kismaayo Keenayaan si ay udoortaan Xildhibaanada Barlamaanka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.