Soomaliyeey Mar I Dage Allaha Dago Mar labada I dage Anaa is dagay!!

Fiqi

Afka hooyo waa dhaxal suugaanta sida maahmaahda, murtida, heesaha, gabayada iwm waa hoggaan ku toosiya marba marxalada aad ku sugan tahay,ma duugoobaan oo dhacdadii timaadaba mid baa ku beegan  oo ku jaan go,an,sidaas awgeed aan dhammaanteen uga mahad celino marka hore Ebbe marka xigana aabayaashii iyo awooweyaashii noo sameeyey kaydka murtida kala duwan.

Haddaba akhristayaal xaalada wixii shalay iyo maalmihii ka horeeyey ka socotay magaala madaxda Keenya ee Neyroobi baa igu dhalisay in aan qormadaydaan kooban aan cinwan uga dhigo,waayo wajiyada Meesha iiga muuqday waxay ahaayeen kuwo caan ah oo aan qof kasta oo Soomaaliya ku cusbayn magac iyo muuqaalba,haddaba looma baahna in aan magacyadooda meeshaan ku taxo oo aan hebeleeyo aanse hoos tilmaamo aad wada garan kartaan idin ku sheego:-

1-Nimankii badda Soomaaliya qayb ka mid ah Meesha hadda shirku ka socdo ku iibiyey oo weli doodeedii iyo murankeedii taagan yahay Meesha waa iiga muuqdeen haddana saldhigoodu yahay Imaaraadka.

2-Hoggaamiyayaashii qaraabdoonka ku caanbaxay ee sandareertada Imaraadku maahee aan miyirka kale lahayn,indhaoodana ayan wax kale arag.

3-Kooxdii ardaydii korneyl Gabre oo noqotay agoon aabood dhintay.

4-Koox aan u bixiyey qaylaquutayaal oo tan iyo markii dawlada hadda shaqeynaysa la doortay aan marna nasan oo iyagana Imaaraadku maalgeliyo oo dhawrkii biloodba mooshin ka fashilmaayey,ileyn wax cad iyo wax xalaala midna ma hayaane.

Isku soo wada duud waa dhagar qabayaal rajadoodu xun tahay Meesha loo socdo ee qof iyo cod oo ka mid ah waxyaalaha ay karaka marsanayaan lagama yaabo in ay siyaasada ku soo laabtaan oo cidi soo doorato,yoolkoodu waa in aan Meesha laga dhaqaaqin oo mar kasta shisheeyaha dalka cadawga ku ah gacmaha u hoorsadaan danohoodana naga dhex fuliyaan,laakiin waxaan isleeyahay dadkayagu aad bay u barteen oo markale beerdulucsan maayaan.

Aan ku soo gabagabeeyo dhalinyarada Soomaaliyeed oo nimankani mustaqbalkooda beecinaayaan,aqoonyahanada Soomaaliyeed ee dhiiga wadaniyadu kunjirto,haweenka Soomaaliyeed oo difaaca dalka lafdhabarka u ahaa waligood iyo culumada Soomaaliyeed oo indhaha u ah waa iney ka dhiidhiyaan afarta kooxood oo aan sare ku soo sheegay oo shisheeyaha u adeegaaya khatartana ku ah jiritaankayaga (NINKII SEEXDAA SICIIS DIBI DHALAY) Ninkii danahiisa ilaashan waaya waa lagu daneysan.Jumhuuriyadii Soomaaliya todoba calan baa loo sameeyey,waxaana loo halgamayaa mid sideedaad oo Xamar loo sameeyo,Soomaaliyeey yaan la yeelin ee halganka aan  ujeedino in aan calamada badan aan baabi,ino oo midkii aan karaamada ku lahayn daysano,qofkii intaas garan waaya waxaan u qaadanayaa in uu yahay qof raali ku ah in magaca Soomaliya adduunyada laga waayo.

W/Q Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.